Dilalka Inamada Soomaalida Qurbaha Xal ma loo hayaa? (La soco xog muhiim ah)

Sheikh Said Ali oo ka mid ah culumada degan dalka Kanada ayaa xog muhiim ah ka bixiyay dilalka inamada Soomaalida loogu geysto dalkaasi, wuxuuna si gaar ah uga hadlay taariikhda qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kanada ku nool.

Wuxuu kaloo Sheekh Saciid Cali farta ku goday Soomaalida oo uu sheegay inaysan ku baraarugsaneyn dilalka iyo dhibaatooyinka joogtada ah ee loo geysanayo dhallinyarada, wuxuuna sheegay inaan dhibaatada laga baxeynin hadaanay Soomaalidu u istaagin joojinta dhibaatooyinkaas.