DEGDEG: Ra’isal Wasaare Kheyre oo goow dhow Wasiir u magacaabay Wasaaradii uu iska casilay C/Fataax Geesey

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow soo saaray wareegto uu ku magacaabayo Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo guryeynta.

Cabdi Aadan Hoosow ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud iyo guryeynta Dowladda Federaalka, wuxuuna Ra’iisal Wasaare Kheyre kula dardaarmay Wasiirka cusub inuu guto xilka loo magacaabay.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa wareegtadiisa ku xusay in laamaha kale ee Dowladda ay la shaqeeyaan Wasiirka cusub Cabdi Aadan Hoosow.

Muddo 24-saac ah ayaa ka soo wareegatay markii uu xilka Wasaaraha Howlaha Guud iska casilay C/Fataax Geesey oo sheegay inuu kahorjeestay Dowladda Federaalka, isagoona ku eedeeyay inay faragelin ku heyso doorashada Koofur Galbeed.