Cunaqabateyn cusub oo lagu soo rogay Kuuriyadda Waqooyi

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa cambaareysay maamulka madaxwayne Trump oo cunaqabatayn cusub ku soo rogay Cunaqabataytaan ayaa lagu soo rogtay saraakiil ka tirsan Kuuriyada Waqooyi.

Kuuriyada Waqooyi ayaa imika ka digtay in ay hor istaagi doonaan arrinta ah in ay ka talabaxaan barnaamijkoda niyukleerka.

Xukuumadda madaxwayne Trumpa ayaa cunaqabatayn cusub ku soo rogay saddax sargaal oo ka tirsan dowladda Kuuriyada Waqooyi.

Mareykanka ayaa wacad ku maray in ay xannibi doonaan hantida Choe Ryong-hae, oo ah nin ay si aad ah isugu dhaw yihiin Kim Jong Un,wasiirka amniga Jong Kyong-thaek iyo sarkaalka dhanka dacaayadaha u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi Pak Kwang-ho.

Tallaabada Mareykanka ayaa ka dambeysay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xannibaado cusub ay soo rogtay Kuuriyada Waqooyi taasi oo ay ka mid tahay in la xiray dad daawaday aflaan ajnabi ah.