C/raxmaan Xoosh oo tallaabo lama filaan ah ku dhaqaaqay & farriin loo diray DFS

C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ah Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee wadanka Kenya kulan gaar ah la yeeshay C/Kariin Sh. Muuse (Qalbidhagax) oo ka tirsan saraakiisha ururka ONLF, waxaana kulankaasi Wasiir Xoosh uu uga galliimay isla markaana ka raalli geliyay tacadigii Dowladda Soomaaliya ay ugu gacan gelisay dhigeeda dalka Itoobiya.

Wasiir Xoosh ayaa u ballanqaaday C/Kariin Qalbidhagax inuu dadaal badan ku bixinayo sidii dowladda Soomaaliya raalli gelin uga bixin laheed dhibaatadii loo geystay isla markaana ururka ONLF ay uga saari lahayd liiska kooxaha argagixisada ah, waxayna labada mas’uul isku afgarteen qodobo dhowr ah oo kor loogu qaadayo xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo jabhadda gobanimadoonka Soomaali Galbeed ee ONLF.

Sawir la soo dhigay baraha bulshada ee Soomaalida ku xiriirto Wasiir Xoosh oo madaxa gacanta ka saaraya C/Kariin Qalbidhagax ayaa soo jiitay dareenka bulshada qeybaheeda kala duwan sida Aqoonyahanka iyo dhallinyarada, iyagoona ku tilmaamay tallaabadaasi inay ka mid tahay astaan ay Soomaalida caanka ku tahay in la isku galliimo isla markaana la is cafiyo.

Ka sokow taageerada shacabka Soomaaliyeed ee ku saabsan tallaabada Wasiir Xoosh uu ugu galliimay isla markaana ugu hoyday in waxa ku dhacay ay ka xun yihiin Dowladda qudheeda iy guud ahaan shacabka Soomaalyeed, isla markaana golaha Baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhaliilay xukuumadda dhiibistii Qalbidhagax ee Dowladda Itoobiya.

Aragtiyaha kala duwan ee laga bixiyay Sawirka qabsaday barashada bulshada hadaan soo koobo waxaa ugu muhiimsanaa tallooyin loo jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda ugu sareysa inay bixiyaan raalli gelin iyo in magdhaw la siiyo Qalbidhagax bacdamaa ciidamada Dowladda ay u geysteen jirdil waxyeello u geystay qeybo ka mid ah jirkiisa.

Ururka ONLF war uu soo daabacay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ayuu ku sheegay tallaabadani inay tahay mid shaqsi ah oo muujineysa sida ay Soomaalida uga xun yihiin ficillada Dowladda Soomaaliya ay ku sameysay Qalbidhagax iyo jabhadooda.

Machadka cilmi baarista iyo daraasaadka ee HERITAGE oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho oo bartiisa Twitter-ka soo geliyay sawirka Wasiir Xoosh oo u galliimaya C/kariin Sh. Muuse Qalbidhagax, wuxuuna tallaabadani ku tilmaamay mid aan u baahneyd faallo isla markaana cagta la saaray wadadii loo mari lahaa in dib loo saxo khaladkii horay u dhacay.

Aqoonyahano Soomaaliyeed iyo xeel dheerayaal u dhuun daloola arrimaha siyaasadda oo aragtidooda baraha bulshada ku wadaagay ayaa hoosta ka xariiqay in tallaabo midaan ka wanaagsan ay ahaan laheed haddii ay mid la mid ah hoggaanka ee Dowladda Soomaaliya.

C/Kariin Sh. Muuse Qalbidhagax oo bartimihii sanadkaan laga sii daayay xabsi guri magaalada Addis Ababa ayaa waxaa cafis u fidiyay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dr. Aby Ahmed, iyadoo Dowladda Soomaaliyana horay u sheegtay inay door ku lahayd sii deyntiisa, inkasta oo kooxaha dhaliilsan Dowladda ay had iyo goor u soo hal qabsadaan dhiibistii Qalbidhax ee Dowladda Itoobiya inay tahay khaladaadka ugu weyn oo ay gashay Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Arrintu si kasta ha ahaatee haatan waxaa meesha ka baxay khilaafkii u dhaxeeyay Dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF, iyadoo dhinaca kalena madaxda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretrea ay meesha ka saareen khilaafkii u dhaxeeyay sheegayna inay hirgelinayaan heshiisyo dhowr ah oo ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga nabadda dalalka geeska Afrika.

Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)
E-mail: saxafi37@gmail.com