C/Raxamaan C.Warsame “Dowladda Soomaaliyeed waxay Caburinaysaa Siyaasiyiinta ka aragtida duwan..”

Maanta oo kale sanadkii hore ee 2017 dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku qaaday hoyga uu C/Raxmaan C/Shakuur ka deganyahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta la xiray qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

C/Raxmaan C/Shakuur oo warbaahinta kula hadlay hoyigiisa ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay wadooyinka u xirtay maanta maadamada ay ku beegantahay markii sanad ka hor ay weerar ku qaaday gurigiisa, uuna isku diyaarinyay in uu u baroor diiqo Askartii ilaalada u aheyd ee weerarkaasi ku geeriyootay.

Siyaasigaan ayaa dowladda dhexe dusha kaga tuuray eedeyn ah in ay caburinayso siyaasiyiinta ka aragtida duwan, wuxuuna wadooyinka xiran ee Muqdisho ku micneeyay arrin lagu doonayo in lagaga hortago in uusan u baroor diiqin askartii ku dhimatay weerarkii lagu qaaday hoyigiisa.

C/Raxmaan C/Shakuur ayaa ku nuux nuuxsaday in wadooyinka oo la xiraa aysan ka hor istaageyn in uu xuso waxa uu ku tilmaamay maalin murugo badan oo maskaxdiisa aanan ka go’eyn.

Dhanka kale ma jirto ilaa iyo haatan wax war ah oo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kaga hadleyso sababta ay u xirtay maanta badi wadooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.