Al-Shabaab oo weerar qasaare geystay ku qaaday guri uu Jowhar ka degenaa wadaad caan ah

Koox Hubeysan oo la aamisan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday guri uu degan yahay Wadaad caan ah kuna yaala magaalada Jowhar oo xarun u ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ayaa sheegaya in wadaadka la weeraray lagu magacaabo Sheekh Thaabit oo si weyn looga yaqaan magaalada Jowhar, iyadoo si dhab ah laamaha amniga aysan u sheegin sababta weerarka ka dambeysay.

Waxaa wararka soo baxaya ay sheegayaan in Wadaadka horay ay ugu yeereen Al Shabaab balse uu ka dhaga adeegay, iyadoo haddana uu qabtay Siyaaradda Sheekh Ooyaaye oo si weyn looga yaqaan Shabeelaha Dhexe.

Wiil uu Dhalay wadaadka oo lagu magacaabo Muxidiin Sheikh Taabid ayaa ku dhintay weerarka Al Shabaab ay ku rasaaseeyeen gurigiisa oo ku yaala magaalada Jowhar, sida wararka ay sheegayaan.

Sida ay sheegayaan dadka degaanka Al-Shabaab ayaa wadaadkaasi ugu yeertay maxkamadooda iyadoo dacwad dhul lagu soo eedeeyay, taasi oo keentay inay weerar ku qaadaan isla markaana siyaasadii Sheekh Ooyaaye ay is hortaag ku sameeyeen.

Dadka dagan xaafada Buulo Sheekh oo ah halka uu ku yaalay guriga sheikha la weeraray ayaa sheegay in shalay ay dhamaatay siyaaro lagu xusayay Sheekh Ooyaaye oo uu qabtay sheikhan.