Wasiirkii Howlaha Guud ee DFS oo is casilay

Wasiirka howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyenta xukuumadda federaalka ah Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa maanta is-casilay isaga oo u sababeeyey faragelinta ay dowladda federaalka ah ku heyso maamulka uu ka soo-jeedo ee koonfur galbeed.

Xildhibaan Cabdifitaax Ibraahim Geesey oo saxaafadda u akhriyey sababaha ayaa ku sheegay:

1. Faragelinta Koonfur galbeed iyo guud ahaan maamullada kale uu sheegay ineysan jirin meel looga gaaray go’aan wadajir ah.

2. Xariga Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow iyo ka reebidiisa tartanka doorashada ayaa ah sabab kale uu sheegay inuu isku casilay wasiirka howlaga guud.

2. La-tashi la’aanta dadka metala koonfur galbeed ee ku jira golaha wasiirada iyo baarlamaanka federaalka ah.

Cabdifitaax Ibraahim Geesey, waa wasiirkii 3aad ee wasaaraddan muddo 2 sano ah, waana wasiirkii ugu horeeyey ee isku casila faragelin ay dowladda ku sameysay deegaan ka mid ah Soomaaliya Xildhibaan.

Halkan Ka Daawo

DEG DEG :Wasiirkii Howlaha Guud Ee DFS Ayaa hadda Xilkii Wasiirnimo iska-casilay

DEG DEG :Wasiirkii Howlaha Guud Ee DFS Ayaa hadda Xilkii Wasiirnimo iska-casilay

Posted by Abdirizak Atosh on Sunday, December 16, 2018