Guddoonka Baarlamaanka oo kulankooda ka soo saaray qodobo ay ku heshiiyeen

Xubnaha golaha Shacabka, umada Soomaaliyeed iyo dhamaan inta samaha jecel Waxaan si rasmi ah ugu war gelineynaa in Xubnaha gudoonka golaha shacabka ay maanta xal iyo is afgarad ka gaareen wixii khilaaf ahaa ee soo kala dhex galay.

Ilaahay ayaa mahadaas iska leh, Intaas Kadib Waxaan amaan iyo bogaadin u jeedinayaa guud ahaan Shacabka soomaaliyeed, xubnaha golaha shacabka iyo dhamaan intii gacan ka geysatay xalinta khilaafkan.

Si gaar ah Waxaan ugu mahad celinayaa xubnaha gudiga iskood isu xil qaamay ee isu tagay xalinta khilaafka, gudigan oo ka tirsan golaha shacabka oo habeen iyo maalin u taagnaa inay xaliyaan kala aragti duwanaantan soo dhexgashay gudoonkooda,,

UGUDANBAY:

Xubnaha golaha shacabka iyo umada soomaaliyeed Waxaan ugu baaqayaa inay gacan ku siiyaan gudoonka siday u xidid bixin lahayen kala aragti duwanaantaas isla markaana golaha shacabku shaqadiisii dib ugu bilaabi lahaa:

MAHASANIDIIN

Gudoomiyaha Gudiga xalinta khilaafkan
Xil. Abdirashid Mohamed Xidig.