Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku-xigeennadiisa oo kulan albaabada u xiran yeeshay

 Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo labdiisa ku xigeen ayaa kulan gaar ah ku dhex maraya hoteelka Paradise oo ku yaala magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ah mid ay albaabada u xiranyihiin ayaa la sheegayaa in ay qayb ka yihiin xildhibaanno u kala deb qaadaya labada dhinac iyo sidoo kale hab-dhowrka baarlamaanka ayaa isagana ka mid ah xubnaha shirkaasi ku jira.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka looga hadlayo sidii loo xallin lahaa xiisadii ka dhalatay mooshinkii qaar ka mid ah xubnaha Golaha ay ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo kaasi oo guddoomiye Mursal uu qabtay.

Kulankaan ayaa imanaya xilli ay kala qeybsameen xubnaha Golaha shacabka ka dib mooshinkaasi sababta u noqday in uu sii socon waayo howshii Golaha,

Xildhibaanno badan oo Muqdisho ku shiray ayaa guddoonka golaha waxaa ay ka codsanayaan in dib loogu furo golaha shacabka si ay u gutaan waajibkooda dastuuriga ah.