Xildhibaano war kasoo saaray Mooshinka Madaxweyne Farmaajo

Qaar kamid ah xildhibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa muqdisho ku qabtay shir jaraa’id oo ay ku muujiyen sida ay kaga soo hor jeedaan mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Bayaanka kasoo baxay shirka xildhibaanadaani ay ku yeesheen Muqdisho ayaa u qornaa sidatan:

“Annaga oo ah aqlabiyadda xubnaha Golaha Shacabka ee hoosta ku saxiixan oo ay ka go’an tahay in ay xilkooda dastuuriga ah u gudataan si waafaqsan Qodobka 61aad faqrada 1aad oo qeexeysa “Xubin kasta oo ka mid ah labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka marka ay xilkeeda gudaneyso waa in ay ku shaqaysaa sida ay danta qaranku ku jirto”.

Annaga oo ka danqaneyna xanuunka iyo dhaawaca gaaray niyadda shacabka Soomaaliyeed ee gudaha iyo qurbo joogtaba, oo muujiyey shucuur iyo dareen kulul oo ay uga soo horjeedaan dhaqanka aan habooneyn oo ay koox xildhibaano ah ku damceen in fowdo lagu
abuuro dowladeenna, laguna horjoogsanayo horumarka muuqda ee dalku ku talaabsaday.

Annaga oo aragna hagardaamada salka ku haysa xagaldaacinta dowladnimada Soomaaliyeed oo keentay murugo iyo walaac ku yimid shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.

Annaga oo ka xun isku dayga lagu horjoogsanayo horumarka dowladnimo, isla markaasna lagu kala qeybinayo Golaha Shacabka oo ah hay’adda saldhigga u ah dowladnimada Soomaaliyeed.

Annaga oo muujineyna dareenkayaga mas’uuliyadeed iyo matalaada shacabka, isla markaasna cod dheer ku gaarsiineyna shacabkeenna dalka iyo daafaha caalamka jooga in aqlabiyadda Xildhibaanada Soomaaliyeed ay u taagan yihiin danta qaranka iyo difaaca dawladda curdinka ah ee dalka ka taabagashay.

Waxaan soo-jeedineynaa:

  1. In aan si hagar la’aan ah u taageersanahay Madaxweynaheenna Mudane Maxamed Cabdulaahi ‘Farmaajo.
  2. In aan ku qanacsanahay hoggaanka Madaxweynaha iyo waxqabadka xukuumadiisa uu hoggaamiyo Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre.
  3. In la fuliyo qaraarka Golaha Shacabka ee lambarkiisu yahay GSH/B13/12/17 oo dalbaya degdeg in loo hirgaliyo sharci lam23 ee Dhismaha Maxkamada Dastuurka;
  4. In aan ugu yeereyno Guddoomiyaha Golaha Shacabka in uu ka fiirsado ku adkeysiga Mooshinka buray ee sharcidarada ah si hay’adaha dastuuriga ah looga badbaadiyo qalaalase siyaasadeed oo dowladda dib u dhac u keena, caqabadna ku noqda waajibaadkii sharcidajinta, matalaada shacabka iyo korjoogteynta hay’adda fulinta oo dhamaantood habacsanaan ku timid.
  5. In aan uga tacsiyeeyno Xildhibaanada sharafta leh ee laga been abuurtay, lana isticmaalay saxiixooda sidii uu cadeeyey Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.
  6. In aan ka dalbaneyno Maxkamadda Sare ee dalka xeerinta sharciyadda mooshinkan looga been abuurtay Xildhibaanada xasaanadda iyo xurmada leh, isla markaasna hay’adaha awoodda u leh ay talaabada ku habboon ka qaadaan cidda ka dambeysay
    been abuurka iyo ku xadgudubka xuquuqda aasaasiga, sharafta iyo karaamada xildhibaanada.
  7. Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa soo doortay Shacabka, waana inay ku shaqeeyaan rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed.

Dastuurkeenu wuxuu siinayaa Shacabka Soomaaliyeed inay mar walba la xisaabtami karaan wakiiladooda iyada oo uu Qodobka 46aad 1aad qeexeyso “Awoodda isxukunku waxay ka bilaabataa, kuna dhammaataa shacabka, asaga oo adeegsanaya awoodda ah in mar kasta oo loo
baahdo uu hay’adaha iyo wakiillada shacabka ku oogi karo laxisaabtan”.

Waxaan ugu yeereynaa shacabka aan wakiilada ka nahay in ay awoodooda la xisaabtanka qaataan, si loo suuliyo dhaqanka xun ee dhaawaca himilada iyo shucuurta dadweynaha Soomaliyeed ee hamuunta u qabo dib u yagleelidda qaran Soomaaliyeed oo leh Hay’ado dowladeed oo ka tarjumo rabitaanka Shacabka.

  1. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareyneynaa in ay leeyihiin Xildhibaano aqlabiyad buuxda ah oo difaacaya sharaftooda iyo dowladnimadooda oo la isku haleyn karo.
  2. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed ‘Farmaajo’ annaga oo ka tarjumeyna aqlabiyada Golaha Shacabka Soomaliyeed, waxaan ku leenahay kalsooni ayeey Aqlabiyadda Xildhibaanadu kugu qabaan ee si kalsooni lehu gudo waajibaadkaaga hoggaaminta dalka.
  3. Gunaanadkii waxaan Guddoonka Golaha Shacabka ka codsaneynaa in kulamadii kalfadhiga 4aad dib loo bilaabo oo la dardargaliyo fulinta waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha horyaalla”.