Xaaladda caafimaad ee Abwaan Hadraawi oo laga deyrinayo

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa xaaladiisa caafimaad laga deyrinayaa, waxaana la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Hargeysa kaddib markii uu ku sii kordhay xanuun maalmahaan la soo gudboonaaday.

Dhaqaatiirta ku howlan daweynta abwaan Hadraawi ayaa sheegay in xaaladdiia caafimaad ka sii dareyso, iyagoona sheegay inay daryeel u sameynayaan Abwaan Hadraawi oo cudurro kala duwan la il darnaa maalmihii la soo dhaafay.

Qaar ka mid ah qoyska uu ka soo jeedo abwaan Hadraawi ayaa sheegay inay suuragal tahay in loo qaado dalka dibadiisa si loogu daweeyo muddo 24-saac kaddib haddii ay wax iska bedeli weyso caafimaadkiisa.

Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu faca weyn abwaanada Soomaaliyeed isla markaana tiriyay maansooyin kala duwan oo galay taariikhda fanka Soomaaliyeed.