Kheyre oo eedeeyn u jeediyay Mucaaradka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Qata ayaa weerar afka ah waxaa uu ku qaaday mucaaradka ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya,kadib markii maalmihii dambe ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay mooshinka ka gudbiyeen Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

“Inta aan anaga joogno xukunka, waxaan idiin balan qaadayaa in aanan aqbali doonin innalaga cabsiiyo dariiqa saxda ah.in aanan aqbali doonin in nala yiraahdo nalashaqeysta haddii kale waan idinka ridayna”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare XasanCali Khayre.

Sidoo kale R/Wasaare Kheyre ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Farmaajo ay wadaan sidii loo horumarin lahaa dalka.

“Inta aan anagu madaxna nahay anigoo ku hadlaayo kayga iyo kan Madaxweynaha JFS waxaan idiin sheegi doonaa Sharafta aan raadinayno kama raadinayno qab qablayaal ee waxaanka raadinaynaa shacabka Soomoaliyeed”.ayuu raaciyay Mudane Xasan Cali Khare.

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay mooshinka dhawaan laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.