Ilaalada la-taliyaha gudoomiyaha BFS oo hubka laga dhigay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in la taliyaha Sare ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac, laga dhigay hubkii ay wateen illaadiisa iyo gaadiid cabdi bile ahaa oo ka mid ahaa kuwii isaga lagu ilaalin jiray.

C/qaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa Khamiistii Ciidankiisa looga yeeray Xarunta Xisbiga oo Talis ciidan ah, halkaasi oo loo sheegay in lagu siin doono Mushaar, balse markii halkaasi ay tageen lagu wargeliyay inay hubka dhigaan, gaadiidkana ay tagaan.

Sababta hub ka dhigista loogu sameyay ilaalada la taliyaha Gudoomiyaha Baarlamaanka soomaaliya ayaa lala xiriirnayaa in ay tahay arrimo la xiriira Mooshinka laga keenaya madaxweyne Farmaajo oo uu gacanta ku hayo gudoomiyaha golaha Shacabka.