Guddoomiye Mursal oo ku baaqay in la siidaayo Roobow, dibna loo dhigo doorashada KGS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku siideyso Mukhtaar Roobow.

Mursal ayaa ka tacsiyeeyay rabshadihii ka dhacay Baydhaba,waxaa uu Madaxweynaha KMG ah ee dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ugu baaqay in uu dejiyo islamarkaana ka qeyb qaato xasilinta degaannada Koofur Galbeed.

Guddiga doorashada ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayuu sidoo kale ka dalbaday in ay doorashada dib u dhigaan ilaa xal waara laga gaaro khilaafka ka dhashay xarigga Abuu Mansuur.

Dhinaca kale Maxamed Mursal ayaa Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay in ay xayiraadda ka qaaddi Xildhibaannada islamarkaana isu socodka u furto.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay dib ugu laabanayaan xarunta Golaha shacabka halkaasna ku shaqeyn doonaan maalmaha soo socda.