Golaha Aqalka Sare oo baaq degdeg ah ka soo saaray xaaladda ka taagan Baydhabo

Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa war ka soo saaray rabshadaha ka taagan magaalada Baydhabo iyo dirirta u dhaxeysa Qowmiyadda Soomaalida iyo Oromada ee ka taagan deegaanada ay wada degaan ama ay deriska ku wada yihiin sida TuulliGuleed, Dheekaa, Mooyaale, Shinniile, Faafan, Feeracad iyo tuulooyinka dhaca xuduudaha u dhaxeeya Deegaannada Soomaalida iyo Oromada.

Hoos ka Akhriso Baaqa Guddiga Joogtada Aqalka sare ee Dalka ay soo saareen:-

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare wuxuu ku guddoonsaday kulankiisa 9aad Kalfadhiga 4aad ee maanta oo ay taariikhdu tahay 15 Dec. 2018.

ISAGA OO GUDANAYA waajibkiisa dastuuriga ah ee uu ku matelayo dawladaha xubnaha ka ah dawlada Federaalka ISAGA OO XOG OGAAL U AH xasilooni darada nabadgeloyo iyo mida siyaasadeed ee ka taagan magaalada Baydhabo ee dawlad goboleed Koonfur Galbeed;

▪ Waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qoysaskii dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday ama waxyeelo ka soo gaaraty qalalaasha iyo rabshadihii ugu dambeeyey ee magaalada Baydhabo.