Faa’iidooyinka Caafimaad ee laga helo Looska.

Loosku waxa uu ka mid yahay qoys dhireedka loo yaqaan Fabaceae wuxuuna xiriir la leeyahay Digirta, Lentils iyo Soy wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa Latin America Waqooyiga galbeed ee dalka Argentina ama Koofurta Bari ee dalka Bolivia.

Looska waxa uu ka baxaa dalalka kulaaleyda waxaana la beeran jiray 7500 sano kahor wuxuuna dalka Mexico soo gaaray Qarnigii koowaad wuxuuna uga sii gudbay Qaarada Africa iyo China, dalka ugu soo saarista badan Looska caalamka oo dhan waa China 38% ayeyna China soo saartay Looska caalamka u soo go’ay sanadkii 2016 kaas oo gaarayay 44 Milyan oo tan, dhinaca kale dalka China waa kan ugu isticmaalka badan Looska caalamka oo dhan.

Faa’iidooyinka caafimaad ee laga helo looska waxaa ka mid ah :
• Loosku waxa uu ilaaliyaa caafimaadka WADNAHA.
• Loosku waxa uu yareeyaa Chlestrol-ka xun waxa uuna u bedelaa Chlestrol-ka fiican.
• Loosku waxa uu kahor tagaa cudurada NEEF MAREENKA.
•Looska waxaa kujira Resveratrol taas oo hagaajisa socodka dhiiga ee MASKAXDA isla markaana yareysa halista cudurka dhinac qalalka (Stroke).
• Loosku waxa uu qani ku yahay Amiino Asidh taas oo u fiican in qofku si wanaagsan u koro iyo horumarinta jirka.
• Loosku waxa uu la dagaalamaa Kansarka ku dhaca caloosha
• Loosku waxa uu ka hor tagaa cudurada wadnaha, neerfaha iyo infection-ka. .
• Losoku waxa uu ilaaliyaa maqaarrka.
• L ooska waxaa laga helaa fiitamiino ay ka mid yihiin B complex, Thiamin-B1 , niacin- B3, riboflavin,B6, Folate-B9 iyo Ponto thenic acid.
• Looska waxaa laga helaa macdanta ay ka mid yihiin Copper, Manganese, Phosphorus iyo Magnesium.
• Looska waxa uu qani ku yahay Antioxidants waxaana si gaar ah looga helaaDubka ( Xuubka ) Looska, Antioxidants waa walxo jirka kasaara Ogsidheeya yaasha dhaawaca organada nool waxaana ka mid ah Fiitamiin C iyo E.
Muse Mohamed Osman. E-Mail : muusekiimiko@gmail.com