DAAWO: Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo khudbd xasaasi ah ka jeediyay shirka Doxa

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa maanta maagaalada Dooxa ee dalka Qatar ugu qeyb galay shirka madasha sanadlaha ah ee Dooxa.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo maanta ka qeyb galayey madasha sannadlaha ah ee Dooxa (Doxa Forum) ayaa sheegey in ay muhiim tahey in aduunyadu garwaaqsato in Soomaaliya ay ka soo gudubtay dhibaatooyinkii badnaa xiligaanna ay mudantahey in loola dhaqmo dal u diyaarsan in uu ka qeyb qaato hormarka Caalamka.

Ajandayaasha ugu waawayn ee madasha sanadkaan 2018 ayaa kala ahaa Amaanka, Nabadda iyo dhex-dhexaadinta, Isbadallada iyo Hormarinta dhaqaalaha,waxaana sanadkii labaad ka qeyb galey Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa ku warrantay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maalmahan safar shaqo ku joogey magaalada Dooxa ee dalka Qatar uu halkaasi kulamo kula yeeshey mas’uuliyiinta dalkaas iyo Jaaliyada Soomaaliya ee Qatar.

Raisalwasaaraha ayaa dhowr mar u baxay booqasho uu ku tegey Doxa balse wixii kasoo baxay iyo nuuca safarada Raisalwasaaraha weli looma sheegin Baarlamaanka Federalka.