Banaanbaxyo lagu dalbanaayo in la sii daayo Abuu Mansuur oo weli ka soconaya Baydhabo.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka K/Galbeed ayaa waxay sheegayaan in wali halkaasi ay ka socdaan rabshaddo looga soo horjeedo xarigii Musharax Mukhtaar Roobow Cali.

Dibadbaxayaasha ayaa dalbanaya in la sii daayo Sheekh Mukhtaar Roobow oo shalay dowladda Soomaaliya ay kasoo xirtay Magaalada Baydhabo.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax hadal ku aadan dalabyada soo gaaraya ee ah inay sii daayaan Sheekh Mukhtaar oo ka mid ahaa Musharixiinta u taagan Doorashada K/Galbeed, iyadoo rabashadaha Magaalada Baydhabo ay sababeen ilaa iyo 12-qof inay ku dhintaan oo ay ku jiraan Shacabka, Ciidamada Dowladda iyo weeliba Itoobiyaanka.