Bal adiguba Diaspora Duub laga dhigay Dalaalnimo ka celi=NasashadaJimcaha.Q-126-aad=

1-Isbatoori caajisloow ah ayaa waxaa Saldhigga Booliska ugu timid Naag kuna tiri: Ninkeygii shalay ayuu suuqa aaday si uu Baasto noogu soo Gado wellina sooma noqon. Isbatorihii ayaa ku yiri: oo maxaad cunta kale u karsan weyday?.( F.S: 1aad)

(Nin ayaa siduu shir u aaday ku maqan, Baasta male… Bariis dalac bilaash ah lee ahaa)

2- Laba wiil oo Rajo ( Habarro) ah ayaa waxa ey qolka la seexan jireen,Aabahood iyo Xaaskiisa -Eedo, midka weynu dhaqsi ayuu u seexdaa. Kan yar dhaqsiuma seexdo, go’a uu huwan yahay ayuu indhaha ku qarsadaa, waxa uu arkay inEedoHabeenkii laba Galaas oo Caano ah ey keento, mid waa ey cabtaa intaanOdaygu imaan, waxeyna ku tiraahdaa odayga: Caanihii koobkaan ku jiray wiilashaayaan siiyay ee kan ii cab. Markuu cabo ayuu shaqo bilaabaa.

Habeenkii kale ayaa kii weynaa ee iska hurdi jiray, waxa uu arkay Koobkii caanaha waxa uuna isku dayay in uu cabo. Kii yaraa ayaa ku yiri: ha isku cabin, qofkii caanahan cabo, in Aabe ka qeylisiiyo ma ogid miyaa, sida markii ey caanaha cabtay Eedo, uu Aabe u galay yaan laguu galin. ( F.S: 2aad)

( koo xildhibaan ah ayaa saaxiibkii ku yiri: haddaad…. Wallahi in sidii hebel laguu galidoono)

3- Gabar ayaa waqtigii Imtixaanka waxa ey Qoorta ku soo xiratay Silsilad ( katiino) Kooraheedu ey tahay Dayaarad yar, iyo Funaanad yar oo dayaaradi ku sawiran tahay. Markii uu Macallinku soo ag marayay ayey funaanada hoos u jiidaan, inta Macallinku ku mashquulsanaa ayey imtixaankii qishtay, markii ey dhameeysay ayey aragtay macallinkii oo weli fiirinayo, waxa ey tiri: Macalin ma sawirka dayaaradda ayaad la yaaban tahay? Waxa uu yiri: Maya ee waxaan la yaabanahay Garoonka – xabadkaaga ( F.S: 3aad).

( Somali is gaad gaadka waa isku fahamtay)

4- Nin shaqa doon ah ayaa lagu yiri: kala macneey labada kalmadood Dhameystiran (Complete) iyo Dhamaaday (Finish). Waa dhameeystiray, waa dhamaaday.

Waxa uu yiri: Haddii aad Naag wanaagsan Guursato adiguna waad dhameystiran tahay Complete –ayaa tahay, Hadiise aad Naag Xun Guursato ogow waa kuu dhamaatay Finish ayaad tahay.

(Dowlad wanaagsan iyo mid Xunna waa Complete iyo Finish)

5- Wiilal qurbaha ka yimid ayaa dhaqan celis loo geeyay Tuulada Qurac Qalooc. Waxa ey arkeen odayaashii Tuulada oo Quracii ku hoos shiraya iyo Barbaartii oo dhiila colaadeed ka muuqato. Waxa ey yiraahdeen maxaa dhacay. Waxaa lagu yiri: Reer hebel oo aan weligeen col aheyn ayaa nagu soo duulayo.

Waxa ey yiraahdeen, annagaa u tageeyna oo Maslaxad ka keeneyna. Waa laga ogolaaday, waxa ey u tageen Reerahii colka lala aha. Waxa eyna ku yiraahdeen waxaan nahay reer hebel waxaan rabnaa Nabad, waxa lagu yiri: haddad reer hebel tihiin waan idin dili leheyn, laakin Hadalkoodiinii malihidiin, Rag Aar galana uma ekediin. Reerahiino 3 rag ah ayeey naga dileen, waxaan ka rabnaa 300 Neef oo geel ah, iyo in aan Ceel ka qodanno deegaankiina. Muddo Laba bil ah ayaan idin siinay.

Wey soo noqdeen. Odayaashii waxa ey la yaabeen in aan Ciddii ey ka baqayeen eyna ku soo duulin, wiilashii ayaa yiri: waxan soo barangay “Conflict resolution” Cilmi la yiraa, oo ah sida khiaafaadka loo xaliyo. Waxaa la isku raacay in Tallada reeraha iyaga loo dhiibo. Waxa ey xirxireen odayaashii beesha, qaarna waa qixiyeen. Barbaarina waxa ey bareen Kaniini “Diaspam” la yiraa oo Qofka Doqon ka dhigo.

Laba Bilood kadib ayey reerihii u noqdeen kuna yiraahdeen, Tallo fiican oo xal ah yaan idiin keenay horta oday shambay iyo Shabeeloow Reerihii ma joogaan waan Qixinay, Geel haddaad rabtiin 300 ka badan ka qaata Geeleena, meel aad Ceel ka qodatiin haddad rabtiina Dhulkeena oo dhan ayaaba naga dhexeeyo. ( F.S: 4aad)

( Bal adiguba Diaspora Duub laga dhigay Dalaalnimo ka celi).

6- Xaaji Nuur ayaa waxa uu la yimid Guriga Nin Cunto kariye ah oo la yiraa Siidoow, Xaaji Nuur ayaa maalin arkay Siidoow oo qubeysanayo Coowradiisa. Waxa uu ku yiri: war siidooboow Coowrada sided ku weeyneeysatay. Siidoow ayaa yiri: inta aanan Naagta u tagin ayaan 6 mar ku garaacaa Sariirta madaxeeda.

Xaaji Nuur oo habeenkii magaalada ku soo daahay, ayaa u yimid xaaskiisii oo hurdeeysa, Xaajigu qalabkiisii ayuu Lix mar Sariirta madaxeeda ku garaacay, Xaaskii oo hurdada ka soo nibdaadeeysa ayaa tiri: Siidoow ma adigaa haddana, weli miyaad joogtaa?.

( Haye….)

Qore: Yahya Amir