Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadashay Mooshinka laga keenay Farmaajo

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa warbaahinta u sheegay in uu buray mooshinkii laga keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in aysan aheyn wax fudud in xilka laga qaado Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,islamarkaana ay u baahan tahay baaritaano badan.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusay in Madaxweynaha uu xaq u leeyahay in uu isdifaaco hadii Mooshinku uu noqdo Mid sax ah,laakiin xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya uu Caddeeyay in Mooshinkaasi uu buray.

Waxaa uu sheegay in ku dhawaad ay sanad qaadan doonto in xilka laga qaado Madaxweynaha, islamarkaana eedeymaha lasoo jeediyay qaarkood ay yihiin kuwo baaritaano badan inkastoo Mooshinka uu buray.

Sagaalkii bishaan 92 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa Mooshin xilka qaadis ah ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana taasi ka dhashay buuq badan.