Waayeelka wax Kala hara!!!.

Jan. Jaamac Maxamed Qaalib, waxa uu ahaa Taliye Ciidan iyo Wasiir, Muddo aad u dheer.

Dr. Maxamed Cali Nur, waa dhakhtar Cuduradda Dadka, in Ka badan 15 Sanno ayuu ahaa wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo wasaarado kale. Labaduba waxa ey leeyihiin khibrad Maamul.

Midkood Bil Ka hor ayaan kula kulamay Xamar, midka kalena Maanta ayaan Kula kulmay Xamar.

Laakin Sawirku hoose waa 15 Sanno Ka hor, mar aan Ku kulanay shir Dalka dibadiisa ahaa Hotel Luken. waa Hotel Magaalo oo dhan aad uga fog, Tuulada ugu dhaw ayaa 4 km u jirta. Waxaan wada joognay 8 Cisho, Bacdamaa Hotelka Aagiisa aan laga bixi Karin, waxaan habeenkii isagu imaan jirnay Meel Dab Ka shidan yahay oo Hotelka dhaxdiisa ah.

Raggaan oo aan Ku qadarinayay Aqoontooda iyo Da’ dooda oo la fac ah waalidkeey, wax badan ayaan Ka faa’iiday mudadaa aan Ku jirnay wax u eg Xabsi Hotel.welina waan xasuustaa Casharadii 8daa Cisho aan Ka bartay.

Ardayada hadda Jaamacadaha Xamar dhigto meey Ka codsadaan Maamuladooda in Ragganu ey u cashar hal maalin ah siiyaan, Wasaaraduhuna mey talo waaya aragnimo weydiistaan. ( Waa iga talo).

Waan uga mahad celinayaa Casharadii aan Ka bartay 15 Sanno Ka hor.

Qore: Yahya Amir