Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea oo booqanaya Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea ayaa saakay la filayaa in booqashadii ugu horreeysay iyaga oo wadajira ku yimaadaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay Villa Somalia ayaa sheegaya in saakay qabanqaabo xoogan loogu jiro soo dhoweynta wufuuda ay hoggaaminayaan Aby Ahmed iyo Esaes Afwerki, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho iyo wadada ay marayaan.

Booqashada hoggaamiyeyaasha dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa salka ku heysa kulan saddex geesood ah oo ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, iyagoona ka wadahadlaya heshiisyo ay horay u gaareen iyo ajandayaal kale oo aan weli la shaacin.

Hoggaamiyayaasha oo u ku jira madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay ugu shiray Itoobiya iyo Eritrea ,iyadoo shirkii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Gondor ee dalka  Itoobiya  lagu go’aamiyay in kan xiga lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hoggaamiyayaasha saddexda dal ayaa  kulammadii hore ka soo saaray inay ku heshiiyeen qodobbo ay ka mid yihiin iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, dhaqan iyo amni.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin booqashada la filayo inay hoggaamiyayaasha ku soo gaaray caasimadda Muqdisho.

Balse, booqashada hoggaamiyayaasha dalalka Itoobiya iyo Eritrea  ee magaalada Muqdisho ayaa ku aadday xilli madaxweynaha Soomaaliya uu wajahayo culeys uga imaanaya Xildhibaannada Baarlamaanka, kuwaas oo qaarkood ka gudbiyay mooshin ay ku doonayaan in xilka looga qaado, wallow xoghayaha guud ee Baarlamaanka uu maanta baahiyay inuu burey mooshinka.