Qaabka loo sugayo amniga doorashada Puntland oo lagu dhawaaqay

Taliyaha sugidda amniga xiliga doorashada Puntland Cabdirisaaq Siciid Diiriye Faarax ahna taliyaha ciidanka badda Puntland (PMPF) iyo wasiirka amniga puntland iyo maamulka gobolka Nugaal ayaa shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Garoowe.

Wasiirka amniga Puntland Axmed Cabdulaahi Yuusuf Dowlad iyo Sareeye Gaas Cabdirisaaq Diiriye taliyaha amniga doorashooyinka ayaa shirkooda uga hadlay arimo la xiriira qaabka loo sugayo mniga xiliga ay dhacayso doorashada madaxweynaha Puntland.

Sareeye Gaas Cabdirisaaq Diiriye Faarax taliyaha sugidda amniga doorashada Puntland ayaa ugu baaqay shacab weynaha Puntland in ay la shaqeeyaan ciidamada ka shaqeynaya sugidda amniga iyo kuwa kale ku howlan sugidda amniga guud ee Puntland.

Mar wax laga weydiiyay waxa uga qorsheysan sida ay ula macaamilayaan ciidamada ay wataan musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha Puntland ayuu sheegay in go’aamo sharci ah kasoo saari doonaan.