Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka guuray Xarunta Madaxtooyada iyo Warasaxaafadeed uu soo saaray 72 Saac kadib.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la sheegay in Muddo 72 Saacadood ah uu ku xayirnaa gudaha Madaxtooyadda Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax war ah oo kasoo baxay Xafiiskiisa ayaa Gudoomiyaha ugu dambeyntii war soo saaray maanta markuu ka baxay Madaxtooyadda.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa soo saaray wareegto uu ku cadeynayo in uu qabtay 9kii bishaan mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya uuna waafaqsanyahay Qodobka 92aad, Faqradiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya lana horgayn doono Golaha Shacabka.

Dhanka  kale Xaaladda Siyaasadda Soomaaliya ayaa sii xumaatay ka dib markii Gudoomiyaha lagu xanibay xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.