Danjire maxamed caalim oo Fariin u diray Madaxweyne Farmaajo.


Iyadoo dalka uu ka jiro khilaaf siyaasadeed oo ka dhex-taagan golaha shacabka ee baarlamanka Soomaaliya,kaas oo ka dhashay Mooshin xildhibaano gaaraya 92 xildhibaan ay ka gudbiyeen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,

iyadoo taasi ay jirto ayaa siyaabo kala duwan waxaan arintaasi kaga hadlay falanqeeyaal

Mr caalin waxaa uu ugu horeen sheegay in ay adag in 2 sano ee soo socota ee dowladan haatan talada haysa in ay ku dhameysan-doonto,maadaama buu yiri ay iska hor imaanayaan golaha sharci dajinta iyo fulinta dalka.

Sidoo Danjire Caalin ayaa taageeray in ay xildhibaanada ku saxsan yihiin in ay mooshin ka keenaan madaxweynaha Soomaaliya,waxaase qalad uu ku tilmaamay in guddomiye ku xigeenka 1-aad iyo guddomoye ku xigeenka 2-aad ay hareer maraan sharciga dalka u yaalaha iyo dastuurka.

Ugu Dambeen Maxamed Nuur Caalin ayaa hadalkeesia ku soo gabagabay in loo bahan yahay in khibrad laga qaato qaladkii hore isoo dhacay ee lagu tuuray Guddomiyihii hore ee baarlamanka Golaha shacabka jawaari.
Waxuuna faray xildhibaanada iyo shacabka in ay ku dabafeelaan guddomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Halkan ka Daawo