Ciidanka Kenya oo xiray Soomaali loo heysto Afduub

Ciidamada ammaanka ayaa xiray mid ka mid ah saddex tuhmane oo lala xiriirinayo afduubka haweenay u dhalatay dalka Talyaaniga oo aheyd shaqaale gargaar laguna Magacaabi jiray Silvia Romano.

Ibrahim Adan Omar, oo madaxiisa horay loo dul dhigay Sh1 million oo lacagta Kenya ah ayay ciidamada Ammaanka qabteen ka dib howlgal gaar ah oo ay fuliyeen, waxaana sidoo kale ay soo qabteen xubno kale oo ay ku tuhmaayaan in ay ka dambeeyeen Afduubkaasi.

Booliska gobolka Waqooyi Bari waxa ay sheegeen in ibraahim uu ahaa Maskaxdii ka dambeysay in haweenaydaasi la Afduubto si ay Madax furasho ay kaga qaataan.

Ciidanka Booliska ayaa sidoo kale baadi goobaya wali , Yuusuf Kuno Aadan iyo Siciid Aadan Cabdi kuwaasoo lagu eedeeyay inay haweeneyda Talyaaniga ah kasoo qafaasheen goob ay ka shaqaynaysay oo ku taala magaaladda Kaliffi la yiraahdo.