Xildhibaano sheegay in guriga Gudoomiyaha laga jaray Cunadda iyo Biyaha

Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa mareysa meel adag ka dib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha ay Shacabka ay Mooshin ka keeneen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa Risaala u sheegay in Guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka laga jaray biyaha iyo Cuntadii, islamarkaana ay xilliggaan ka taagan Xaalad adag.

Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee tagay guriga Gudoomiyaha ayaa Risaala u sheegay in guriga Gudoomiyaha laga jaray Cuntadii iyo biyihii.

Waxaa uu sheegay in ay qaadi doonaan tilaabooyin looga jawaabayo Go’doominta lagu sameeyay Gudooomiye Maxamed Mursal iyo Ciidankii Ilaalada ka haayay.