Shaqaalaha Isbitaalka Banaadir oo dibadbax dhigay

Qaar kamid ah shaqaalaha caafimaad ee Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay isla magaalada mqudisho ka dhigeen banaanbax ay kaga cabanayaan mushaar la’aan.

Shaqaalahaani oo isugu jiray Dumar iyo Rag ayaa waxa ay wateyn Boorar waaweyn oo ay ku qoranyihiin xuquuqdeena ayaan rabnaa, Mushaar la’aan laguma shaqeyn karo iyo oraah la hal maasha, waxa ayna socod ku mareyn qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho.

Waxa ay ku dhawaaqayeen “Muddo 27 sano ah wax xaquuq ah ma helin kumana shaqeyn karno”

Isbitaalka Banaadir waxa uu kamid ahaa Isbitaalada dowladda dhexe ay maamuli jirtay burburkii ka hor balse markii ay meesha ka baxday dowladii kacaanka ayaa waxaa la wareegay hey’addo shisheeyo.