DEG DEG: Aqalka Sare oo kusoo biiray Xalinta Khilaafka Golaha Shacabka

Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan la leh Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo waliba qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Mooshinka ka keenay Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyeyaasha Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Senator-ada aqalka sare ayaa kulan u socdaa , waxaana looga hadlaya Xaalada Cakiran ee dalka ka taagan.

Illaa iyo hadda lama oga waxa kulamadan looga hadlayo, hase ahaatee waxaa loo badinayaa inuu la xiriiro arrinta mooshinka laga keenay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.