Afrika waa mid ah ka mid 5-ta qaaradood ee dunnidu u qeybsantahay waana qaaradda 2-aad ee ugu weyn uguna dadka badan dunnida.

Waxaa ka horeeya oo kaliya qaaradda Aasiya.

Bedka qaaradda aanu maanta ka hadlayno ee Afrika waxaa lagu qiyaasaa 30.3 million km oo labo jibaaran.

Afrika waxay xaduudo la wadaagtaa qaaraddaha Aasiya iyo Yurub waxaana mara badaha  Mediterranean,ka badda cas, badweynta Hindiya badda Atlantic,da

Sidoo kale qaaradda waxaa mara wabiyo iyo harooyin waa weyn waxaana ka mid ah wabiga Nile oo isku mara 11 wadan  iyo wabiyo kale

Harooyinka ugu waa weyn Africa waxaa ka mid ah haradaViktooriya oo loo aqoonsanyahay harada labaad ee adduunka ugu weyn.

Haradaan waxay martaa 5 wadan oo oo geeska Afrika ku yaala.

Tiradda dadka Afrikaanka ah waxaa lagu qiyaasaa 1.2 billion oo ruux waa meesha labaad ee dadka ugu badan ku noolyihiin.

Afrika waxay ka koobantahay 54 wadan oo xor ah iyo 9 gobol oo doonaya inay ka go’aan dalalka ay ka hadda ka tirsan yihiin.

Dalka ugu weyn Afrika waxaa loo aqoonsanyahay Algeria kan ugu dadka badana Nigeria waxaana ugu yar dalka jasiiradda ah ee Sisilis.

Taariikhyahanadu waxay sheegaan in meelo ka mid ah qaaradda Afrika la degay muddo haatan laga joogo 7 milyan oo sanno meelaha qaarna qarniyo ka hor.

Tusaale bariga Afrika dhulka hadda loo yaqaan Ethiopia waxaa la aaminsanyahay in lagu noolaa 200 kun oo sanno ka hor.

Wadamada Afrika ee taariikhda fog leh waxaa ka mid ah dalka Masar oo ay taariikhyahanadu ku doodaan inay ilbaxnimo hore ka jirtay.

Dadka qaaradda Afrika ayaa la kulmay culaysyo badan waxaana intii u dhaxaysay qarniyadii 7,aad iyo 20,aad la adoonsaday qiyaastii 7 illaa 12 million oo ruux oo Afrikaan kuwaasoo hadda faracoodu Yurub iyo Maraykanka ku noolyihiin.

Dadka Afrika ayaa sida xoolaha loo kala iibsan jiray maraakiib ayaana lagu daad gureyn jiray sida taariikhyahanadu sheegaan.

Dalalka Afrika waxaa qabsaday gumaystayaashii reer Yurub dabayaaqadii qarnigii 19,aad.

Waxaa la xasuustii shirkii ka dhacay magaalada Baarliin ee caasimada dalka Jarmalka intii u dhaxaysay 1884 illaa 1885 oo lagu qaybsaday qaaraddaan Afrika.

Dalalkii reer Yurub ee Afrika qeybsaday qabsadayna waxaa ka mid ah  Ingiriiska, Talyaaniga, Belgium, Germany, Spain, Faransiiska, iyo bortaqiiska waxaana gumaysigaas socday illaa dhamaadka dagaalkii 2,aad ee duunida.

Kacdoono gobanimo doon ah ayaa qaaradda ka bilowday waxaana dalalkii ugu horeeyay eek u guulaystay ka mid ahaa Gaana, Libya, Tunisia iyo Marooko waxaana dabaysha xorriyadda ay gaartay inta badan dalalka Afrika qaarkoodna waxayba soo gaareen illaa sideetamaadkii.

Wadamada Afrika qaarkood waxaa la degay colaado sokeeye iyo khilaaf sababay dhimasho dhaawac iyo barakaca malaayiin ruux.

Qiyaastii 70 afgambi ayaa ka dhacay qaaradda 13 M/weyne oo xillal hayana waa la qaarajiyay meelaha qaarna willi waxaa ka taagan colaado loo aqoonsanyahay kuwa adduunka ugu waqtiga dheer.

Dawladaha ka jira Afrika waxay leeyihiin siyaasado kala duwan waxaana ay la kala safan yihiin dawladaha adduunka ugu tunka weyn xilligaan ee la aaminsanyahay inay siyaasadda dunnida hagaan.

Dawladaha qaaradda ku yaala waxay ku kala jiraan ururo heer gobol u dhisan hase ahaatee waxaa ugu weyn ururka midawga Afrika oo la aas aasay 9 bishii July sanadkii 2002.

Ururkaan waxaa ka horeeyay ururkii midnimada Afrika oo la aas aasay 25 bishii May sanadkii 1963 oo dalalkii dhisay ay Soomaaliya ka mid ahayd.

Dastuurka ururka waxaa ka mid ah in la kordhiyo ama kor loo qaado dhaqaalaha bulshadda Afrika.

Xarunta ururka midawga Afrika ee ku taala magaaladda Addis-Ababa  oo ay dawlada Shiinaha dhistay waxay madaxda Afrika ku kulmaan sanadkiiba mar.

Ururku waxaa uu jiheeyaa siyaasadda sanadlaha ah ee qaaradda iyo xalinta khilaafaadka qaaradda ka jira.

Dalalka ay colaaduhu ka jiraan waxay u diraan ciidamo nabad illaalineed waxaana wadamada ay ka shaqeeyaan ciidamada midawga Afrika ka mid ah Soomaaliya oo ay joogaan qiyaastii in ka badan 20 kun oo askari oo ku shaqeeya magaca AMISOM.

Qaaraddaan dadka ku nool inkastoo midabka ay iska shabahaan haddana dhaqanka, diinta iyo afkaba waa ku kala duwan yihiin waxaana qaaradda Afrika looga hadlaan in ka badan 2 kun o oaf oo ay aqoonsantahay hay’adda dhaqanka iyo cilmiga Q,M u qaabilsan ee UNESCO la yiraahdo.

Afka dadka ugu badan ku hadlaan waxaa la yiraahdaa Afroasiatik oo u kala baxa 240 luuqadood waxaana ku hadla 285 million oo qof oo ku nool geeska, waqooyiga iyo dhulka saxaraha ka hooseeya ee Afrika.

Kan labaadna waxaa la yiraahdaa Nilo Saxarahaan waxaana ku hadla qiyaastii 30 million oo ku nool dalal ay ka mid yihiin  Chad, Ethiopia, Kenya, Nigeria, Sudan, Koofurta Sudan, Uganda, waqooyiga dalka Tanzania.

Sidoo kale dalalkii reer Yurub ee qaaradda gumaystay qarnigii 19,aad ayaaa afafkooda uga tagay waxaana jira dalal Afrikaan oo ay luuqadda koowaad u yihiin afafkii gumaysigii sida Ingiriiska, Faransiiska iyo Bortaqiiska,Dalal kale oo Afka Carabiga ku hadla ayaa iyana jira.

Xagga diimaha haddaan eegnana qoraalo la sameeyay waxaa lagu sheegay in diinta dadka ugu badan ee Afrikaanku haystaan ay Islam tahay waxaana haysta qiyaastii 48% halka Masiixiyiintuna ay ku xigaan dadka dhaqanka diinta ka dhigtana waxay gaarayaan 10%.

Afrika waa halkii ugu horeysay ee Islamku ku faafo markii saxaabadii Nabigeena Mux’ed NNKH ay soo hijroodeen.

Dhulkii ay waagaas ka jirtay boqortooyaddii Aksum ee hadda loo yaqaan geeska Afrika ee ay Soomaaliya ka mid tahay ayay ahayd halkii ugu horeysay ee Islamku ku faafay

Tirada dadka Muslimiinta ah ee Afrika ku nool waxaa lagu qiyaasaa 446 million oo ruux sida lagu sheegay qiimeyn la sameeyay sanadkii 2009

Qaaradda Afrika waxaa ku yaala masajido fac weyn oo uu ka mid yahay Kayruun oo dalka Tunisia laga dhisay sanadku markuu ahaa 670.

Sidoo kale masjid ku yaala dalka Eritrea oo loo yaqaan Massawi  waxaa la aaminsanyahay inuu ka mid yahay masaajida qaaradda ugu faca weyn waxaana la dhisay qarnigii 7,aad.

Masaajida faca weyn ee geeska Afrika ku yaala waxaa ka mid ah masjidka Qiblatayn oo ku yaala Saylac oo ka tirsan gobolka Awdal ee waqoyiga Soomaaliya kaasoo la dhisay waayihii hijriyada saxaabadda Nabigga SCW.

Dalal ku yaala, geeska, waqooyiga iyo koofurta qaaradda Afrika ayaa ah meelaha ay Muslimiinta ugu badan ku noolyihiin.

Xagga dhaqaalaha haddii aan eegnana inkastoo qaaraddu hodan ku tahay khayraadka dabiiciga ah sida beeraha, xoolaha kaluumaysiga dahabka, dheymanka iyo macdanta haddana waxaa lagu tilmaamaa meel dadkeedu faqri yihiin.

Dalalka qaar dadkoodu waxay maalintii helaan lacag u dhiganta wax ka yar hal dollar iyo 25 senti.

Q,M ayaa aaminsan in hormar la’aanta Afrika ay sabab u tahay dawladaha qaar oo musuq maasuq  sameeya  kuna xad gudba awooda iyo xaquuqda aadanaha.

Dadka u dhashay qaaradda Afrika waxaa faro ba’an ku haya xanuuno kala duwan oo qaarkoodna ay la dhintaan kuwa kalena la xanuunsanyihiin.

Hay’adda samafalka ama ka shaqeeya arrimaha caafimaadka waxay aaminsan yihiin dadka la nool fayriska dhaliya xanuunka AIDS, ka ee Afrika ku nool waxay gaarayaan 23.8 million oo ruux.

Qiyaastii hal million oo ruux oo Afrikan ah ayaa la aaminsanyahay inay sanad walba  xanuunkaan sababsadaan.

Xanuunka kale ee dadka Afrika laaya waa duumada ama malaariyada waxaana uu xanuunkaan sanad walba ku dhacaa 3 illaa 6 boqol oo ruux.

Cudurdka Ebola  oo sanadkii hore ka dilaacay dhawr wadan oo Afrika ku yaala waxaa uu galaaftay nolosha in ka badan 11 kun oo ruux willina waxaa uu ka jiraa dhawr wadan oo qaaradda ku yaala.

Dadka Afrika dhaqan ahaan waa isku egyihiin waxaana ay wadaagaan dadka Afrika muuqa dharka cayaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo cunnadda.

Cunnadda ugu  badan ee Afrika laga cuno waa dalagyada baxa ee la beerto iyo hilbaha xoolaha iyo kaluunka inkastoo habka loo kariyo ay kala duwan yihiin

Cayaaraha haddaan eegnana 54 wadan ee xorta ah wadan walba waxaa uu leeyahay cayaartoy qaran iyo horyaalo u gooni ah.

Koobka qaramadda Afrika  oo ay ku tartamaan xulalka qaranka dalalka Afrika xulka ugu badan ee haysta waa xulka qaranka Masar oo qaaday 7.

Xulalka qaranka dalalka Masar, Cameroon, Nigeria, Senegal, Ghana, iyo  Algeria meelo wanaagsan ayay ka gaareen cayaaraha aduunka ee uu maalgaliyo xiriirka kubbadda cagta adduunka ee FIFA.

Dalka Koofur Afrika waa dalka kaliya ee Afrika ku yaala ee marti galiyay cayaaraha adduunka waxaana dalkaas lagu qabtay sanadkii 2010,kii.

Cayaaro kale oo ay ka mid yihiin kiriketka iyo Ragbiga ayaa ka mid ah cayaaraha Afrika sida weyn looga xiiseeyo.

W/soo ururshay Burhaan Diini Faarax

burhandini@gmail.com