Maxaa ka jira in Gudoomiyaha Baarlamaanka la geliyay Xabsi Guri?

Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah xildhibaanada Golaha shacabka oo ka hadlaayay goob lagu soo dhaweynayay Gudoomiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in guriga Gudoomiyaha loo diiday in ay tagaan xildhibaanada qaar.

Xildhibaanka ayaa sheegay in gurigiisa uu ku yaalla Gudaha Madaxtooyadda, islamarkaana dhammaan xildhibaanadii keenay Mooshinka loo diiday inay galaan Guriga Gudoomiyaha.

“Waxaan Cadaynayaa in Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu yahay xabsi guri” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif.

Dhanka kale Xildhibaanka ma sheegin Cidda ka dhigtay xabsi guriga iyo sababaha looga dhigay,mana jiro war ka soo baxay Gudoomiye Mursal oo arintaan xaqiijinaya, iyadoo Gudoomiyaha shalay qabtay Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii xildhibaano ay soo gudbiyeen Mooshin xilka qaadis ah.