Gudoomiye ku xigeenada iyo Xildhibaano kasoo horjeestay Mooshinkii Farmaajo

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey iyo ku xigeenkiisa Mahad Cabdalla Cawad ayaa warbaahinta u sheegay in Mooshinkii laga keenay Madaxweyne Farmaajo uu ahaa Mid lagu deg degay.

Muudey ayaa sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu qabtay Mooshinka xilli uu xanaaqsanaa, islamarkaana aan xanaaq dalka lagu maamuli karin, maadaama uu sheegay in Mooshinka uusan aheyn Ansax.

Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in mooshinka Xildhibaanada ay ka keeneen Madaxweynaha uu yahay mid sharcidaro ah.

“Cawaaqib Xumada Ka Dhalata Mooshinka Uu Aqbalay Guddoomiye Mursal Isaga oo ogsoon in aysan Jirin Maxkamad Dastuuri Ah Wixii Ka yimaado isagaa Masuul ka ah oo og halka uu la aadayo”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka.

Saddex Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in laga been abuurtay oo aysan saxiixin Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.