Banaan baxyo Iska soo Horjeeda oo Ruxay Magaalada Muqdisho iyo Dadweyne xiray Iridka Madaxtooyada.

Shacabka ku Nool Magaalada Muqdisho ayaa xiray Iridda soo xigta dhanka Hoteelka SYL taasoo laga galo Madaxtooyadda, waxayna dalbanayaan inuu soo baxo Madaxweyne Farmaajo si ay ugu muujiyaan taageerada ay u hayaan.

Ciidamada Ammaanka ayaa ka hortagay dadka Banaanbaxa sameeyay oo isku dayay inay galaan Gudaha Madaxtooyadda.

Dadweynaha ayaa xiray wadada laga galo Madaxtooyadda, waxaana ciidanka dowladda ay Adkeeyeen galitaanka Madaxtooyadda iyo wadooyinka ku dhow.

Dhanka kale dadweyne fara badan ayaa buux dhaafiyay goob garoon ah oo ku yaala Muqdisho, halkaasi oo uu Shacabka kula hadlayo Hoggaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.