Xoghayaha Amniga Gudaha Maraykanka iyo RW Ku xigeenka Soomaaliya oo kulan wada yeeshay.

Muqdisho:- Mahad Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka Jordan kula kulmay xoghayaha amniga gudaha Maraykanka, Kirstjen Nielsen.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka iyo xoghayaha amniga gudaha Maraykanka ayaa ka wada hadlay arrimaha khuseeya labada dal gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerada dawladda Maraykanka ee dib u habaynta ciidamada Dowladda.

Kulanka ayaa labada Mas’uul galabta, kadib markii la soo gebagebeeyay shirkii amniga ee lagu qabtay magaalada Aqaba ee dalka Jordan.

“Waxaa si guul ah noogu soo idlaaday shirkii uu marti geliyay boqorka Jordan iskaashiga caalamka ee la dagaalanka kooxaha nabad diidka”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya

Dhanka kale Shirkii Aqaba ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo fikir ahaanba looga hortegi lahaa ficillada abaabulan ee kooxuhu ka gaystaan caalamka oo dhan.