Dhageyso: Alfanaan Axmadey Abuubakar oo magaalada Mogadishu ku dhibaateysan, codsi weydiisanaaya ummada Soomaaliyeed

Axmadeey Abuubakar oo ka mid ahaa fanaaniintii waaweyneed ee hoboladii Waaberi ee beri samaadkii hore ayaa haatan waxaa uu joogaa magaalada Mogadishu oo uu halkaasi ku dhibaateysan yahay, waxaa iskuugu darsoomay xanuun iyo dhibaato dhaqaale xumo, ildhoolnimadiisii waxaa uga sii daran caafimaadkiisa oo aad u lita.

Axmadeey Abuubakar ayaa ka mid ahaa dadkii ka soo barakacay dagaalada ka aloosan dalka Yaman, waxaa uu soo maray qaar kamid ah gobolada dalka sida Puntland oo uu halkaasi si fiiican loogu soo dhaweyey, lagana soo dhoofiyey loona soo dhoofiyey magaaladii uu ku noolaan jirin waagiisii hore ee magaaladiisii Xamar xaafadiisii Shibis, laakiin halkaasi wax uga horeeyey ama dhibaatada hayso wax uga qabto ayuu waayey hadii ay ahaan lahaayeen dowladda federaalka ama shacabka reer Mogadishu.

Märka dadweynaha muslimiinta ah waxaan ka codsaneynaa hadii aan nahay bahda Somaliweyn Radio ee Sweden in ay il raxmad leh ay ku fiiriyaan fanaankaasi howlgabka ah oo idhool iyo caafimaad daro iyo duqnimo isugu darsoontay.

Dowladdana waxaan ka codsaneynaa in ay wax ka qabataan fanaaniintii qaran oo dalka usoo shaqeyey oo hada howlgab iyo caafimaad daro haysto.

Waxaan halkan ku soo waraysanay Alfanaan Axmadey Abuubakar iyo gabadhiisa oo nooga hadleeysa sida uu caafimaadkiisu hada yahay iyo codsigeeda ku aadan in aabahayda wax loogu qabto.

Wareysigan waxaa inoo wareysatay Ikram Cali Kaar iyo Yoosni Khaliif Hassan

Halkan Ka Dhageyso