Taariikhda wey soo noq noqontaa

Itoobiya oo laga soo xiro mucaaradka Madaxweyne Formaajo waxaa kaga horeeyey Madaxweyne Siyaad Barre Allaha u Naxriiste maxaase laga dhaxley ?.

Sannadkii 1988 markii uu aad u xooggeystey kacdoonkii ka socdey gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa Cabdiraxman Jaamac Barre oo ahaa Wasiirkii Arimaha Dibadda Soomaaliya misna dhinaca hooyada walaal ka ahaayeen Maxamed Siyaad Barre iyo Warsame Indhool oo ay qaraabo dhow isna la’ahaa madaxweynaha ayaa waxey casuumaad u fidiyeen madaxdii Isaaq ee dowladii Kacaanka ku jirey Wasiiro, Wasiiro ku xigeeno iyo Saraakiil Ciidan waxaana kamid ahaa Axmed Maxamuud Faarax ( Laxwas), madaxweyne kuxigeenkii 3-aad, Axmed Ismaaciil Axmed ( Taliyihii Ciidamadda Asluubta) Dr Gaboose oo hore u qabtey xilka wasiir kuxigeenka Caafimaadka. Maxamed Xawaadle Madar oo xilal kala duwan ka soo qabtey dowladii kacaanka sida Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Howlaha Guud iyo madax kale. Kulankaas ujeedkiisu wuxuu ahaa in madaxda Isaaq ee xukuumadda ku jira sidii loogu qancin lahaa in ay la hadlaan madaxdii Jabhadii SNM iyo odayaasha beesha Isaaq si loo soo afjaro kacdoonkii bulsheed ee xilligaa ka socdey Waqooyiga Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Jaamac iyo Warsame Indhool waxey shegeen in wakiil ka yihiin Maxamed Siyaad Bare qorsha xasilintana qayb ka yahay madaxweynaha, waxaana xigey kulamo kale ilaa madaxda Isaaq markii danbe ay la kulmaan Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxaana la’isla gartey in madaxweynuhu tago magaalada Hargeysa lana hadlo Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Isaaq si xal looga gaaro culeysyadii iyo cadaadiskii xilligaa ka jirey Waqooyiga Soomaaliya.

Safarka madaxweynaha ayaa lagu beegey shir gobolleedkii IGAD ee ka dhacayey magaaladda Jabuuti bishii Aprile bilowgeedii 1988 wuxuuna qorshaha ahaa in shirkaa kadib Madaxweynuhu soo maro magaalada Hargeysa si loo dhageysto cabashada bulsha ku nool Waqooyi Galbeed gaar ahaan Beesha Isaaq kadibna dowladu u xaliso dhibaatooyinka deegaannadaa mudo dheer ka taagnaa oo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda insaanka ay ka waddeen ciidamadii milateriga ahaa ee ku sugnaa kuwasoo horkacayeen Janaraal Moorgan iyo Janaraal Gaanni.

Intii uu socdey shirkii IGAD ayaa madaxweynihii Jabuuti ee xilligaa Xasan Guulleed Abtidoon heshiis kedis ah dhex dhigey Korneel Mingustu madaxweynihii dalka Itoobiya iyo Maxamed Siyaad. Labada madaxweyne ayaa waxey ku heshiiyeen in la soo afjaro colaada labada dal, safaaradihii labada dal dib loo furo iyo in Jabhadaha mucaaradka ku ah labada dal in dowlad walba taageerada ka jarto soona ceyriso.

Dowladii Kacaanka waxey taageeri jirtey Jabhada Eretareya, midii Tigreyga, Oromada iyo Soomaali Galbeed. Mingustu wuxuu dhinaciisa ka taageeri jirey SDF iyo SNM inkastoo SDF heshiis hoose dowlada Soomaaliya la gashey markii danbe balse waxaa culeys weyn xukuumadii kacaanka ku hayey SNM.

Madaxweyne Siyaad Barre markii uu heshiiska kala saxiixdeen Korneel Minguste 3 Aprile 1988 waxaa ku dhacey isbedel wuxuu is tusey haddii SNM laga soo ceyrinayo Itoobiya lagana jarayo taageeradii ciidan ee ka helayeen dowlada Itoobiya, maxaad kaga baahan tahay heshiis aad la gashaa SNM iyo Beesha Isaaq.

Sida uu BBC u sheegey Dr. Gaboose barnaamijkii Taariikhda Soomaalida ee BBC sii daysey bilowgii 2000. Maxamed Siyaad Bare wuxuu balantii kaga baxey siyaasiyiintii Beesha Isaaq markii uu yimid Hargeysa wuxuu odayaashii beesha Isaaq kula hadley af dagaal iyo hanjabaad wuxuuna u sheegey in Kacaanka la shaqeeyaan ciddii xukuumadda ka hortimaadana gacan adag in lagu qaban doono. Kulan uu la qaatey madaxdii Isaaq ee Muqdisho ka soo raacdey oo 20-meeyo gaarayey iyagana si xushmad lahayn oo adag ayuu ula hadley.

Mowqifka madaxweynaha Maxamed Siyaad Barre waxaa bedeley heshiiskii Mingiste uu Jabuuti kula soo galey asaga oo iska dhaadhiciyey hadaad Mingiste la heshiisey mucaaradka meel ay u cararaan ma laha oo albaabadii baad ka soo xirtey. Waa aragtida hadda Madaxweyne Formaajo qabo oo uu isleeyahay haddii Abiy Axmed la soo heshiisey madaxda maamul goboleedyada wax ay yihiin ma laha iyo mucaarad kale, waa qalad siyaasadeed uu Formaajo galayo mudo 30 sano kadib, khilaaf kasta oo Soomaali ka dhex jiraa xalkiisa lagama baadigoobi karo dal shisheeye gaar ahaan Itoobiya.

Taariikhda in lagu cibro qaato oo wax lagu barto ayaa loo baahan yahay oo khaladkii shaley dhacey dib u dhicin.

Mingiste markii uu soo ceyriyey SNM si uu u fuliyo heshiiskii uu la galey Siyaad Barre, SNM waxey ku qasbanaadeen in xoog ku soo galaan Burco iyo Hargeysa kadib wixii dhacey waa waxa ay Soomaalida Waqooyi maanta ku maqan yihiin maxaa yeeley xasuuq iyo xadgudub baahsan baa loo geystey.

Soomaalidu isma maquunin karto ninkii Itoobiya garab ka raadiyana waa nin riyoonaya, waa nin wixii la soo marey la socon ama dhaqso ilaawey.

Soomaalidu waa in dhexdeedda is xalisaa, heshiisaa. Talada dalkuna waa in la wadaagaa. Ninka dadkiisu isku wata ayaa marxalad walba guulleysta. Ra’iise Wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abiy 81 xisbiyo iyo ururo mucaarad ayuu la heshiinayaa si uu u helo Itoobiya mideysan oo ka sii xoog badan siday hadda tahay. Laakiin Kanaalkii ayaan mucaaradka ka soo xirey xal uma aha Soomaaliya. Waa wado hore loogu soo gubtey.

WQ: Ilyas Mohamud Hussein

Facebook Comments