Kulan dhexmaray Guddoomiyaha Baarlamaanka oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya David Concar, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladda Ingiriiska ay uga qeyb qaadan laheyd horumarka Dowladnimo ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha Doorashooyinka Madaxtinimo ee dhawaan ka qabsoomi doona Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha golaha shacabka uga mahadceliyay wada shaqeynta dhow ee ay leeyihiin iyo sida ay uga go’an tahay horumarka Soomaaliya.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Dowladda Ingiriiska uga mahadceliyay taageerada ay mar walba la garab taagantahay dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.

Facebook Comments