Hambalyo Ciidanka Asluubta!!!

Aniga wada howl Cilmi baaris ah oo heyad caalamiya oo madax banaanu iga codsatay lana xiriirta “Legal aid provider” sidii Qareeno Lacag la’aan ah ey u heli lahaayeen maxaabiista iyo dhibanayaasha aan maxaabiista aheyn ee aan awoodin in ey qabsadaan Qareen, taa oo sharciga dalkuna ogolyahay.Ayaa hayadii aan la kumay waxaa Ka mid ahaa Ciidanka Asluubta soomaalida.

Xabsiga Dhexe ayaan tagay 20 Cisho Ka hor, waxaana la kulamay Gen.Bashiir Mohamed Jama Taliyaha Ciidanka, si wanaagsan ayuu ii soo dhaweeyay. Waxaa la joogay 2 Jeneral iyo 4 korneyl, waxa uu igu yiri: soo dhawoow, soo fadhiiso, shaah ayaa la ii dhalbay. waxaan tusiyay warqadii hayada iyo Su’aalaha aan qabo.

Waxaan Ku iri: howl ayaad Ku jirtiin mana rabo in aan idinka carqaladeeyo, waa idin sugayaa, waxa uu amray in la igu soo wareejiyo Warshada Ciidanka, waxaan Ku soo arkay horuumar aan la yaabay, kadibna waxaa ii yimid Janaraalkii oo igula soo wareegay Warshada.

Waxaan Ku iri: Waxaan aaminsanahay in Xabsiyada Dadka lagu ciqaabo oo kaliya. Laakin horuumarkaan lama oga, waxa uu la mid yahay (Ubax qurux badan oo Ka baxay keyn Ku taal Afrika, kadibna iyada oo aan cidi arag uu iska baabay) ileyn ma jirto Cid aragtaye, waxa uu la mid yahay Ubaxaasi wax aan jirin. Taasi waxa ey la mid ah Warshadiina.

Waxaan kugula talin lahaa in aad sameyso Bandhig 3 Cisho ah, oo Dadweynuhu ey Ku ogaadaan wax qabadkiina. Waxa uu yiri: Maanta fikrad Dahab ah ayaad i siisay waana sameynayaa, Isla markii ayuu Amar bixiyay.

Maanta waxaan Ku faraxsanahay in aan arkay Bandhigii oo laga dhabeeyay.

Talo jeedin kale:

1- Hayadaha Dowladda, Masuulkii cusubba waxa uu dalbadaa qalabeeyn Cusub oo dibada laga keeno. Waa in lagu waajibiyo in hayad kasta oo dowli ahi ey qalabeeynta Xafiisyada iyo Guryaha Ka qaadato Warshada Ciidanka Asluubta.

2- in Hotelada Cusub iyo Aroosyadu ey qaataan wax soo saarka warshadaha gudaha.

3- in miisaaniyadda Ciidanka Asluubta oo aad u yar la kordhiyo, bacdamaa shaqa Muhim ah ey hayaan, wax soo saarkana ey ka qayb qaadato, Warshadana loo keeno qalab casri ah.( Waa iga talo).

Mar kale waxaan u mahad celinayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Shaqaalaha Warshadda.

Fiiri.Sawirada wax soo saarka Warshadda.

Qore: Yahya Amir

Facebook Comments