Guddoomiyaha Baarlamaanka oo shaqadooda u fasaxay Guddiga Maaliyadda ee horay loo kala diray.

Guddoomiyaha BFS Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa shaqadooda u fasaxay Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo horay lagu kala diray warqad ka soo baxday Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka.


Warqad xafiiskiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka ka soo baxday ayaa shaqadooda loogu fasaxay kuwaasi oo horay la sheegay in la kala diray waxayna tani meesha ka saaraysaa murankii ka taagnaa jiritaanka Guddiga.

Dhanka kale Guddiga Maaliyadda ee golaha shacabka Soomaaliya ayaa dood badan ka dhax dhaliyay fadhiga Baarlamaanka sidoo kale waxay mudo maalmo walaac ah geliyeen xukuumada,kadib markii ay ku eedeeyeen musuq maasuq.

Facebook Comments