Gen. Indha Qarshe “Waxaan xoojin Doonaa howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab..”

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegey in maleeshiyada Al-Shabaab ay ka shalaayi doonaan dhibaatada ay ku hayaan Dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in la xoojin doono howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, isagoo inta ku daray in Nabad diidka Al-Shabaab ay ka shalaayi doonaan dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan kaloo u sheegayaa Nabad diidka iyo argagixisada, waxaan balan qaadeynaa inaan idinka aarno, oo aad marna ku guuleysan xumaanta aad sameyseen, waxaan idin leeyahay ka waan tooba leynta shacabka Soomaaliyeed oo aadan guul ka gaari doonin” ayuu yiri Taliyaha.

Dhanka kale Gen. Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in ciidamada Xoogga ay wadaan qorshe guud ahaan looga cirib tiri doono kooxaha Argagixisad meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.