Sirdoonka Soomaaliya oo Gacanta ku soo dhigay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Ciidanka nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka Soomaaliyeed NISA, ayaa Gacanta ku soo dhigay 2-xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howl-gallo qorsheysan oo ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah Sh/Hoose, sida ay hay’adda NISA ku daabacday boggeeda Twitter-ka.

Howl-galka ayaa ka dhacay Xafiiska Xizbada Al-Shabaab ay ku lahaayeen Degaanka Sabiid Caanoole, ee Gobolka Shabeellada hoose, waxayna ciidamadu sidoo kale ku soo qabteen Howlgalkaasi Saanad Ciidan iyo walxaha qarxa.

Qoraalkan ayaa lagu yiri, muhiimadda koobaad ee Ciidanka amniga waa ka hortagga Kooxda Al-shabab iyo badbaadinta Shacabka Soomaaliyeed.