AMISOM oo Taageero dalbaday iyo Shuruud ay ku xireen inay Ka baxaan Soomaaliya.

Shir ay Magaalada Addis Ababa ee dalka itoobiya ku yeesheen Taliyeyaasha ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa waxay ku baaqeen in la kordhiyo taageerada la siiyo.

Taliyeyaasha ayaa waxay sheegeen inay muhiim tahay in laga caawiyo dhanka qalabka iyo maaliyadda si ay u xoojiyaan shaqooyinka ay ka hayaan dalka, si loo fududeeyo qorshaha ka bixitaanka AMISOM ee soomaaliya.

Sidoo kale Taliyeyaasha ayaa waxay sheegeen in laga maarmaan ay tahay in la helo qalab badan si loo kordhiyo Tababarada la siiyo ciidamada Booliska Soomaaliya.

Dhanka kale Taliyeyaasha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ee kala ah Djibouti, Kenya ,Ethiopia, Burundi, Nigeria, Uganda, Sierra Leone iyo Zambia ayaa sheegay in waajib ay tahay in taageero dheeraad ah la siiyo Ciidamada Dowlada, hadii arintaasi aysan dhicin ayay sheegeen inaysan macquul aheyn ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya.