Aas Qaran oo loo sameysay Saraakiishii Shalay ku dhintay Qaraxii ka dhacay Dhanaane+Sawirro

Muqdisho:-Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka qayb galay Tukashada Salaad Jinaazada iyo aas Qaran oo loo sameeyay Allaha u naxariistee Taliyihii iyo abaan duulihii Guutada 12-ka April ee Ciidanka XDS, Jan, Cumar Aaden Dhubbad (Cumar dheere) iyo Jen, Cabdi Cali Jammaame, oo Shalay ku shahiiday qarax ka dhacay nawaaxiga Dhanaane ee Gobolka Sh/Hoose.

Saraakiishaas geeriyootay ayaa Salaadda Jinaazada lagula Tukaday Masjidka Madaxtooyada ku yaala,waxaana ka soo qayb galay, Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka, Saraakiill iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya.

Taliya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ Gaas , Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in howl-gallada ay cadawga ku baacsanayaan aysan waxba ka beddeli doonin geerida Saraakiishan.

Dhanka kale Taliya Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/ Gaas Daahir Aaden Cilmi (Indha-qarshe) ayaa sheegay inay ka qoomamayn doonaan ficillada fulaynimada ah ee ay kooxaha argagixisadu ku dhaqaaqeen, islamarkaana u dileen dadka Bulshada wax tarka u leh.