Aabbe Gabdhahiisa dilay oo ka soo muuqday Maxkamad ku taalla Kenya.

Mombasa:-Maanta oo Jimca ah Maxkamadda degaanka Shanzu, ee is maamulka Mombaasa,waxaa ka soo muuqday, John Maina Wang’ombe, oo shalay dilay 2-Gabdhood oo uu isaga dhalay.

Aabahaan Gabdhihiisa dilay John Maina Wang’ombe ayaa mar keliya cadaadis uu kaga sameeyay Luqunta iyo Xabadka qudha kaga jaray, Angel Wanja iyo Grace Wangui, oo da’dooda lagu kala sheegay 6-jir iyo 4-jir, xilli uu sarqaansanaa.

Waqtigii uu dilka dhacayay ayaa la sheegayaa in Hooyadood ay ku maqnayd shaqo,markaas oo uu Gabdhaha u sheegay inuu siinayo Cambe, balse markii dambe ku dilay Guriga dhexdiisa, sida ay Jariiradda Daily Nation u xaqiijiyeen Dadka deriska la ahaa Mr, Wang’ombe.

John Maina Wang’ombe, oo qirtay inuu isagu dilay Gabdhihiisa, ayaa ku qeyliyay ereyo qoomamo iyo carro leh oo uu ka dhex sheegay Maxkamadda dhexdeeda, wuxuna sidoo kale cadeeyay inuu Qamri Cabsanaa xilligaasi.

Dhanka kale Garsooraha Maxkamadda, Diana Mochache, ayaa amartay in dambiilahan Xabsiga lagu hayo muddo Todobaad ah, si loo hubiyo xaaladdiisa loona dhammaystiro kiiskan uu Gabdhahiisa ku dilay.

Facebook Comments