Wararkii ugu dambeeyay Qaraxii ka dhacay Dhanaane ee lagu dilay Taliyihii iyo Abaanduulihii qeybta 12-ka April.

Wararka laga helaayo deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada xooga gaar ahaan qeybta 12-ka April uu qabsaday qarax mar sii horeysay wadada hareeraheeda loogu aasay.

Qaraxaan ayaa waxaa ku geeriyooday Taliyihii qeybta 12-ka April Janaraal Cumar Dheere iyo abaanduulihi isla qeybtaasi Cabdi Cali Jamaame, iyadoo qaraxaani uu qabsaday gaariga ay wateen Taliyaha iyo Abaanduulaha qeybta 12-ka April ee ciidamada xoogga, sidoo kale waxaa ku geeriyooday ilaaladaooda ee gaarigaasi saarnaa oo gaaraya ilaa Todobo.

Ciidamo gurmad ah oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa soo qaaday meydadka iyo dhaawacyada ciidamadaan qaraxa lala eegtay.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa shaaciyay inay iyagu leeyihiin mas’uuliyada qaraxaani waxaana waayihii dambe ay kordhiyeen qaraxyada nuucaan oo kale ah ee wadooyinka hareeraheeda ay ku aasaan.

Facebook Comments