Waa sidee saakay xaalada Baydhabo

Ciidamada Booliska maamulka Koofur galbeed Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay baaritaano ka sameeyeen xaafadaha Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay.

Baaritaanka ayaa ka dambeeyay kadib markii xalay bar kontorool oo ay ciidamada Booliska ku leeyihiin Magaalada Baydhabo lagu weeearay Bam gacmeed.
nta la xaqiijiyay afar qof oo saddex kamid ah ay yihiin Ciidamo Booliis ah ayaa ku dhaacmay Bam gacmeedkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay laga helayo ayaa sheegaya in amaanka aad loo adkeeyay, iyadoona maanta la filayo in wafdi ka socda ay tagaan Magaalada Baydhabo.

Weli ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

 

Facebook Comments