Madaxtooyadda Puntland “Madaxweyne Camey Waxaa Loo Adeegsanayaa Bur-burinta Dalka”

War-saxaafadeed kasoo Baxay Madaxtooyadda Dowladda Puntland, ayaa Loogu hadlay Xaalada Doorashada Puntland Iyo Guddiga Ansixinta Xalinta Khilaafka Golaha Wakiilada Cusub ee 2019-ka ee Dhowaan uu Magacaabay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas.

Madaxtooyadda Puntland ayaa Sheegtay in Madaxweynaha Dowladda Puntland uu Awood Dastuuri ah u Lee yahay Magacaabista Guddiga, Isagoona Maray Hab-raacyadii hore ee Madaxweynayaashii soo maray Puntland ay ku Magacaabi jireen Guddiyada Noocan ah.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa lagu Cadeeyn in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Waddo Fara-gelin Siyaasadeed oo ay Dooneyso inay ku Khal khal geliso Doorashada Puntland, Iyadoo Adeegsanaysa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar Camey, oo sida ay Sheegtay Madaxtooyaddu Meel iska dhigay Masuuliyadii uu u hayay Shacabka Puntland.

Ugu Dambeyntii, Madaxtooyadda Dowladda Puntland ayaa Sheegtay in aan Wax khalkhal ah lagu samayn karin doorashooyinka, guddiguna shaqadiisa si habsami ah u bilaabayo, isla markaana doorashadu waqtigeedii ku dhacayso, Iyadoona ugu baaqday Shacabka Puntland inay u diyaar garoobaan doorasho, kana qayb qaataan amniga dalka.

Akhriso War-saxaafadeedka Kasoo Baxay Madaxtooyadda Puntland. Xigasho: Bosaso.net

Facebook Comments