Howlgal lagu Burburiyay Saldhigyo Al-Shabaab oo lagu diyaarinayay Walxaha Qarxa iyo…

Wararkaka imaanaya Deegaanka Awdheegle ee Gobalka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Howlgal qorsheysan ku bur buriyeen Fariisimo Al-Shabaab ay ku diyaarin jireen Walxaha Qarxa sida uu cadeeyay Taliska NISA.

Taliska Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa war ka soo baxay lagu sheegay in howlgalkan oo dhacay xalay lala beegsaday Maleeshiyo ka tirsan Al-Shabab oo diyaarinayay Qaraxyo ay ku dhibaateeyaan Shacabka.

“Howlgal ciidanka Amnigu xalay ka fuliyay xarun ay Al-Shabab ku lahayd Tuulada Awdheegle, ayaa lagu soo qabtay walxaha qarxa oo loo diyaariyay in lagu dhibaateeyo shacabka. Ciidanka Amniga ayaa naftooda u hura badbaadada shacabka”, ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay NISA.

Gudoomiyaha Gobalka Sh/Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Howlgalkaasi la fuliyay xalay saqdii dhexe lagu khaarijiyay Dhagar qabayaashii halkaasi ku diyaarinayay qaraxyo ay ku gumaadaan Shacabka Soomaaliyeed.

“Howlgalka ka dhacay Awdheegle,waa mid lala beegsaday Xarunta Al-Shabaab ay ku diyaarinayeen Walxaha qarxa, waana la burburiyay guud ahaan goobtii howlgalka qorsheysan lagu qaaday si guul ayuu ku soo dhamaaday, Maleeshiyaad badan ayaana goobta lagu laayay”. ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Sh/Hoose.

Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in Howlgalo lagu ciribtirayo Al-Shabaab ay ka socdaan Deegaanada Lambar 60 iyo Buufow oo ka tirsan Gobalka Sh/Hoose,iyadoo ay Ciidamada ku guuleysteen in Maleeshiyaadka ay ka soo saaraan Wadada dhanka Xeebta.

Facebook Comments