Xildhibaan ka tirsan Koofur Galbeed oo eedeyn u jeediyay Dowlada dhexe.

Ilyaas Xasan Cali oo ka mid ah mudanayaasha Baarlaamaanka Koofur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu eedeyn u jeediyay Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa Dowlada Dhexe ku eedeeyay in ay qas ka wado doorashada Koofur Galbeed, islamarkaana ay dhibaato ka abuurayso deegaanada koofur Galbeed, taasi ayuu ku tilmaamay inaan loo dulqaadan doonin, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay xildhibaanada in 5 bishan ay qaban doonaan doorashada Maamulka Koofur Galbeed, maadaama horey loogu balamay, isagoona sheegay in xildhibaano badan ay kulan ka leeyihiin Arintaasi.

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in dib u dhaca doorashada ay sabab u yihiin Masuuliyiin ay ka mid yihiin kusimaha Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Gudigga Doorashada Koofur Galbeed, isagoona tilmaamay in cadaadeys xoogan lagu hayo.

Jahwareer xoog leh ayaa ka taagan Doorashada Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, iyadoona Musharixiinta qaar ay walaac ka muujinayaan dib u dhaca doorashada.

Facebook Comments