Taariikhda bilow ilaa dhammaad halyeyga aan soo laabaneyn ee reer France Zidane

Hadii aadan Jecleyn ugu yaraan waxaad uheysaa Ixtiraam, wixii uqabtay Xulkiisa ama naadiyaashiishii uusoo ciyaaray waxey ka yeeleysaa mid kamid ah laacibiintii ugu fiicnaa ee dunida soo martay.

Waxaa uu ka yiri halyeeygii reer Brazil Pele “Isagu waa macalinka kubadda cagta waana mid kamid ah 5tii xidig ee ebid ugu fiicnaa ee kubadda cagta soo mara”.

Sidoo kale halyeeygii reer Arjentiin De Stefano waxa uu yiri:- “Waan ixtiramayaa in badan waa laacib weyn oo xirfad gambis badan leh “.

Waxaa uu kubadu umaamulaa si cajiib ah gambiskiisa waa mid kusoo jiidanaya xitaa kubadu marka ay xoogan tahay ama aad uga fogtahay kuma adkaaneyso inuu xukumo suurtagalna maaha inuu waayo, waa mucjisadii kubadda cagta halyeeygii kubadeed ee adagtahay inuu soo laabto Zinidene Zidane, waalidka Zidane France ayuu usoo haajiray, Ismaaciil & Malika oo kasoo jeeda deegaanka Qabaa’il ee waqooyiga Al Geria sanadkii 1950 kahor inta uusan bilaaban dagaalkii Al Jeria.

23 June 1972 ayuu dhashay Zinidine ZIdane, waxa uu ugu yaraa walaalihiisa 5ta ahaa, bilowgiisii kubadda cagta waxey aheyd isagoo aad uyaraa gaar ahaan da’da 5 jirka , waxa uu la ciyaari jiray caruurta xaafaddiisa.

Tareenkiisa kubadda cagta ZIdane waxa uu ka bilaabay naadiga CAN ee dalkaasi France sanadkii 1988 waxaa uu uciyaaray ilaa laga soo gaaray 1992, waxa uu u wareegay markaasi kadib naadiga Borduex ee dalkaasi France waxaana uu kula guuleystay koobkii inter contento 1995, kaalinta 2aad waxa uu ka helay koobkii midowga yurub 1999 kadib markaasi si uu ugu wareego naadiga Juventus , waxa uu noqday xidigihii ugu muhiimsanaa ee macalin Carlo Ancheloti , isaga & saaxiibadiisa Di Dier dechamp & alesandaro Delpiero Edgar Davids & Kuwo kale.

Kooxda Juventus waxaa uu laba jeer uukula guuleystay horyaalka taliyaaniga 2 jeer iyadoo labada jeer oo isku xigta uu finalka lagaarayey Koobka dhagaweynaha ee Uefa Champions League labada jeerba waa laga qaaday, sanadkii 2001 waxa uu ku biiray naadiga Real Madrid heshiis waqtigaas ahaa kii ugu qaalisanaa mudo sideed sanood, taas oo Real madrid ay bixisay 75 Milyan oo Uero si ay safkeeda ugu soo wareejiso, Xili ciyaareedkiisii ugu horeeyey ee naadiga waxa uu ku hogaamiyey Koobka dhagaweynaha ee Champions Leagu-ga oo ay ku guuleysteen kadib markii ay garaaceen naadiga Buyern Liverkusen Gool waaqica ka fogaa oo zidane u dhaliyey.

Sanado badan oo guulo & Waqti qurux badan kadib 7dii bishii May 2006 Zinidine ZIdane waxa uu garoonka Santiego Barnabaue ku ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey, waxa uuna kamid yahay ninkan halyeeyadii ugu muhiimsanaa ee guulaha weyn ukeenay malaki , waxa uu xirtay fanaanad lagu qoray numberka 5 aad intii uula joogay Real Madrid.

Sidoo kale xulka Faransa ayuu la gaaray guulihii ugu muhiimsanaa, waxa uu awood ulahaa inuu kala doorto xulalka France & Al Jeria lkn Zizu ayaa go’aansaday inuu uciyaaro xulka France, kulankiisii ugu horeeyey waxa uu usaftay 17kii Agust 1994 isagoo badal lagusoo geliyey daqiiqadii 63 aad ee waqtiga ciyaarta kulankaas oo diiqyadu ayka hortagayeen Check Repuplic.

France waxaa lagu lahaa 2-0, markii uu zizu soo galay waxa uu awooday inuu dhaliyo 2 gool si 90ka daqiiqo ugusoo afmeero barbaro 2-2 ah isagoo xulkiisa gaarsiiyey semi finalka koobka Uero 1996.

Zinidine Zidane waxaa uu diiqyadu uxirtay numberka 10 aad ee koobkii dunida 1998dii, Isagoo awood uyeeshay markii xulkiisa kuhogaamiyey kuguuleysiga mondiyaalkii dunida markii finalka ay isku heleen Brazil waxa uu zizu ka dhaliyey 2 gool si uu France firsad ugu siiyo iney ku adkaadaan 3-0 markoodii ugu horeysayna kor uqaadaan koobka dunida.

Tartankii Qaramada qaaradda Yurub 2000 Zizu waxa uu caawiyey Xulkiisa iney gaaraan Finalka, laad Xor ah ayuu ka dhaliyey Xulka Spain wareega 8da, gool dahabi ah ayuu ugu shubay Portuqiiska 4 dhamaadka , iyadoo Finalka ay ka guuleysteen xulkii Taliyaaniga markaas oo
koobka loo caleemasaaray, Sidaasi waxey ku noqdeen xulkii ugu horeeyey ee ku guuleysta koobkii dunida kuna xijiya koobka Euro, iyadoo France kaalinta 1aad kasoo istaagtay liiska kala horeynta FIFA.

koobkii dunida ee 2002 Zidane dhaawac ayaa ka xarimay inuu Ciyaaro kaas oo ka yeelay inuu ka maqnaado diiqyada 2da kulan ee hore balse waxa uu soo laabtay kulankii 3aad taasoo keentay in france lagu reebo wareegga hore mana dhalin wax gool ah waxaana waqtigaasi soo muuqatay weedha ah “France waxba masameyn karaan Zidane la’aan”.

12kii Agust 2004 tii ayuu Go’aansaday Zenidine Zidane inuu iska casilo ciyaaraha caalamiga lkn waxa uu dib uga laabtay go’aankiisa 2005 si uu france uga caawiyo iney usoo baxaan koobkii dunida waxaana uu iclaamiyey in xirashada fanaanada France ay ugu dambeyso koobka dunida.

waxa uu ku guuleystay inuu diiqyada gaarsiiyo finalka , 9kii June ayuu ciyaaray kulankiisii finalka 2aad ee koobka dunida, waxaana ay aheyd tii ugu dambeysay tareenkiisa kubadda cagta, isagoo dhaliyey gool rigoore ahaa, balse waxaa uu qaatay Calaamada Casaanka kadib markii uu hertiyey difaacii reer Taliyaani Matarazi , kahor dhacdadaasi labada laacib waxa ay is dhaafsadeen kalmado dhaawac ah , Materaazi mardambe ayuu ictiraafay in Zidane uu aflagaadeyey Waxaana uu sheegay in Zidane fanaanada uuka jiiday balse Zizu ayaa yiri:- “Hadii aad dooneyso Fanaanadeyda waan kusiinayaa marka ay ciyaarta dhamaato” balse ma taraazi waxa uu jawaabay erayo aad uliita taas oo ka yeeshay zidane inuu xakameyn waayeo caradiisa isla markaana madaxa uga garaacay Xabadka difaaca reer Taliyaani isagoo Zizu mardambe sheegay inuu waxkasheegay Mataraazi hooyadii & walaashii , Ciyaarta markii ay dhamaatay Madaxweynihii France Jack Shirak ayaa ku abaalmariyey Zidane waxqabadkiisa kubadda cagta, waxaana shirak uu dhaleeceeyey falka mataraazi isagoo xusay in Zizu xaq uleeyahay Halka Madaxweynaha Al Jeria C/casiiz Botofliiqa uu fariin uuku garab istaagayo zidane usoo diray.

Diego Armanda Maradona ayaa jeediyey Hadal cajiib ahaa oo Zizu kusaabsan:- “Marna ma tilmaami kartid xanuunka marka aad macsalaameyneysid Zidane waxa uu heysta cimri kufilan uukusii wadankaro, waan ixtiraamayaa go’aankiisa lkn kuma raacsani madoonayo inu iscasilo waayo iskama casilayo kubada cagta lkn waxaan weyneynaa Bandhiyadiisa Cajiibka ah anaga aad baan uga murigeysanahay iscasiladiisa”.

Waqtiga waa uu socday Zidane markale ayuu garoomada kusoo laabtay lkn markan laacib maaha ee waa Tababare si lamid ah sidii hore waxaan aragnay isagoo ku taalbsaday Guulo aanlasoo koobi karin Markale ayaa lacaleemo saaray oo lacaleema saaray waxa uu 3 jeer oo xiriir ah uuku guuleystay Koobka Uefa Champions League waana markii horeysay Tababare halkoox sidaasi lasameeya.

Zidane ayaa 2013 kii caawiye unoqday Ninka reer taliyaani Carlo Ancholoti markii dambe Prez ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqay in shaqada Tababarenimo ee kooxda inuu lawareegay Zinidine Zidane waxaana uu gaarsiiyey boos aygaarin koox ifka ka ciyaarta .

Waxa uu qaaday Koobka Champions League isagoo Caawiye ah Sidoo kale isagoo Tababare & Ciyaaiyahanba Waxaana Meesha ugu Sareysa ka istaagay mid kamid ah kuwii ugu fiicnaa ee taariikhda kubadda cagta ciyaara.

Facebook Comments